Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur), ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayo musharaxnimadiisa, iyadoo Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya ay xayiraad saartay Sheekha.
Roobow ayaa sheegay inuu yahay Musharax u taagan doorashada Baydhabo ka dhaceysa 17-ka Bisha soo socota ee November, wuxuuna sheegay in warkii ay soo saartay Wasaarada Amniga aysan waxba ka quseyn waxa Baydhabo ka socda.
Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ololihiisa doorashada ku sheegay inuu xoogga saari doono saddex Qodob oo waweyn haddii uu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha maamulka K/Galbeed oo ay kula jiraan ilaa 10 Musharax.
“Waxaan ku celinayaa maanta inaan musharax u ahay madaxtinimada Koonfur Galbeed waxaan Ka shaqeyndoonaa saddex qolo oo Wadooyinka ay u xiran yihiin hadii aad i doorataan”, ayuu yiri Rooboow oo saddexda kooxood ku sheegay:
1- Kooxda qawaarijta oo wado badan xirtay baneysteyna dhibaateynta shacabka.
2- Qabaa’ilooyinka Qaar oo wadooyin u xiran yihiin.
3- Iyo Dadka wata Dharka ciidanka Dowlada ee shacabka dhibaateeya.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa gaaray magaalada Baydhaba, iyadoo la sheegay in loo diray sidii uu ula kulmi ahaa Roobow, uguna qancin lahaa inuu u hoggaansamo go’aanka dowladda Federaalka.