Xuska Sanadguurada kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa loo bedelay qaab cusub iyadoo madaxtooyada ay joojisay xafladihii dabaaldegga ee loo qaban jiray madaxda sare.
Kadib talo soo jeedin loo jeediyey Madaxweyne Farmaajo ayaa waxay madaxtooyadu qaadatay go’aan ah in la bedelo xafladihii dabaaldegga iyadoo taas bedelkeed madaxtooyada waxay magaalada ka hirgelinaysaa teendhooyin ay berri oo ku beegan 8-da Febreeyo fariisan doonaan dhaqaatiir iyo kalkaalisooyin kuwaasoo caruurta Derbi-jiifka ah iyo xeryaha dadka danyarta ah u sameyn doona baaritaan caafimaad & dawooyin lacag la’aan ah.
Waxaa kaloo la sheegay in xuska 8-da Febraayo lagu maamuusi doono in xeryaha Agoomaha ee kala duwan iyo kuwa ciidamada la gaarsiiyo kaalmooyin kala duwan, arrintan oo noqoneysa mid ku cusub dhaqanka siyaasadeed ee madaxda dalka soo maray.
HOOS KA AKHRISO BAAQII LOO DIRAY MADAXWEYNAHA
Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuusan Dabaaldeg u sameyn Sanadguurada Doorashadiisa [Akhriso]