Magaalada Dhuusamareeb wxaxaa goor dhoweyd ka bilowday munaasbadda midowga Galmudug iyo dhameystirka heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug.
Munaasabadda waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug, wakiilada beesha caalamka sida wakiilka Q/MidoobayMichael Keating, wakiilka Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira, wakiilka Midowga Yurub, Wakiilka IGAD iyo xubno kale.
Waxaa munaasbadda ka hadlaya madaxda kala duwan ee lagu casuumay. Waxaa la joojiyey oo meesha laga saaray saxiix kale oo madaxdii Ahlu suna iyo Galmudug heshiiskooda mar kale la qorsheeyay inay ku saxiixaan goobta, waxaana laga dhigay munaasabad maamuus loogu sameynayo heshiiska Ahlu suna iyo Galmudug.
Calanka maamulka Galmudug ayaa laga taagay magaalada Dhuusamareeb, waxaana lagu dhawaaqay in dowlad Goboleedka Galmudug ay u soo guurtay caasimadda maamulkaasi ee magaalada Dhuusamareeb.