Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dib u dhac ku yimid munaasabadda midowga iyo dhameystirka heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug.
Arrintan waxaa xalay go’aansaday madaxda Gallmudug iyo madaxda dowladda Federaalka, waxaana sabab looga dhigay arrimo farsamo iyo dib u dhac ku yimid wafuudii la filayay inay magaalada Dhuusamareeb tagaan ee ka socotay madaxda dowlad goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka.
Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Puntland oo aanay shalay u suuragelin inay tagaan Dhuusmareeb ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Dhuusamareeb, halka Axmed Madoobe uu isagu caddeeyay inuusan tageynin xafladda.
Munaasabadda midowga Galmudug iyo Ahlu suna ayaa markii hore loo asteeyay 16-ka bishan Janaayo, waxayna hadda dib ugu dhacday 18-ka.