Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa boqolaal shacab ah kala qeyb galay munaasabadda Ciidu adxaa iyo salaadii Ciida oo lagu tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Waxaa Ra’iisal wasaaraha wehliyey Guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka C/weli Muudey iyo Mahad Cawad, Wsiiro iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda, waxayna Salaada Ciida kadibShacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen Maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, iyagoo u rajeeyay in sanadkaan sanadkiisa xiga ay ku gaaraan Nabad iyo Barwaaqo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay Nabadda kala shaqeeyaan Hay’adaha Amniga.




