Iyadoo ay sii kordhayaan falalka weerarada iyo Bambaanooyinka ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa weerar kale lagu qaaday xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho.
Laba qof oo ayaa la soo weriyay in lagu dilay qarax Bam gacmeed lagu tuuray Goobo ganacsi oo xiligaasi uu uu dab qabsaday Xaafadda Suuqa Xaalaha, waxaana halkaasi ka dhacay dhaawacyo soo gaaray dhowr qof oo kale.
Goobta ayaa markii hore dab ka kacay, waxaana u gurmaday kooxda Dab damiska iyo ciidamo ku guuleystay inay damiyaan dabka, kadibna waxaa lagu soo qaaday weerarkan oo keenay inay ku dhintaan laba ruux, sida uu sheegay Taliyaha Booliska Gobolka Banadir.
Dabka ayaa baabi’iyay in ka badan 7 dukaan oo lagu iibin jiray Qalabka Elektarooniga, Bagaashka, ayna ku dhowaayeen goob shidaalka lagu iibiyo.
Xaaladda ammaanka Muqdisho ayaa kasii dareysa iyadoo Alshabaab ay sii xoojiyeen weeraro kala duwan oo joogto ah.
Wadani.com