Guddi Muddo 7 sano ah laga heystay qoyskii lahaa ayaa maanta lagu wareejiyey munaasabad ay goobjoog ka ahaayeen madaxda Gobolka Banaadir.
Gurigan oo ku yaalla degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wareejiyey haweeneydii lahay oo lagu magacaabo Madiina C/llaahi Maxamed, waxayna uga mahadcelisay dadkii suurageliyey inay dib u hanato gurigeedii.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Degmada Shibis ayaa goobjoog ka ahaa xaflada lagu wareejiyey Guriga, waxayna Guddoomiyaha Degmada Shibis Safiyo Sheekh Cali ay sheegtay in labada dhinac ay is cafiyeen si wadahadal ah iyo is cafin lagu dhameeyay arrinta wareejinta Guriga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in dadkii haystay Gurigaan Maanta la Wareejiyay ay Baneeyeen kadib markii wadahadal iyo Iscafin intaba ay dhexmartay labada dhinac.