Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan fal dil ah ka fuliyeen degaanka Ex. Koontarool Afgooye, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Dalbey ka kooban laba qof oo ku hubeysan bistoolado ayaa toogasho ku dilay laba askari oo ku sugnaa agagaarka Isgoyska Ex-kontrol Afgooye, kadib markii ay weerar kedis ah ku qaadeen rasaas darandoori ahna ku fureen, iyagoo goobta ka baxsaday.
Waxaa halkaasi durbadiiba gaaray ciidamada amniga oo goobta dilka ka dhacay u dhowaa, laakiin kuma guuleysan inay gacanta ku dhigaan dableyda dilka geysatay.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka askarta ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya ee lagu diley Ex. Kontrol Afgooye.