Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar ku qaaday xarun ganacsi oo ku taalla suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Kooxdan ayaa gudaha u gashay Goob Dawaar ah oo dharka lagu tolo, waxayna toogasho ku dishay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ka shaqeeya xaruntaasi, iyadoo markaas kadib ay baxsadeen.
Dilak ayaa ka dhacay xarunta ganaacsi oo u taalla suuqa Xamarweyne, gaar ahaan Via Roma, waxaana goobta markii dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo baaritaan sameeyay, iyadoo aan la soo werin cid loo qabtay falkan.
Dilalka qorseysan ayaa joogto uga dhaca magaalad Muqdisho, iyadoo ay tahay arrin cusub iyo goobo ganacsi lagu weerarro dadka.