Mid ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo taageerayaal badan ku leh Soomaaliya ayaa la filayaa inuu ugu danbeyn tago magaalada Muqdisho.
Ra’iisal wasaarihii hore ahna Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu yimaado Muqdisho iyadoo muddooyin hore uu dhowr jeer ka baaqsaday inuu iska xaadiriyo caasimadda.
Farmaajo oo dadka caadiga ah ku leh shacbiyad ayaa tartankii madaxweynaha ee 2012 ka helay codad aad u yar uu keentay inuu ku haro wareegii koowaad, waxaana dad badan aaminsan yihiin in taageerada uu ka heyso dadka caadiga ah aanay ku filneyn inuu noqdo madaxweyne ama codad ku helo.
Kooxda ololaha Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho laga dareemay inay ka wadaan dhaqdhaqaaq lagu doonayo in lagu soo dhoweeyo musharaxooda.
Inta badan musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa u muuqda kuwa ka daalay dib u dhaca faraha badan ee xilliga Doorashada iyadoo aad u yaraadeen dhaqdhaqaaqoodii halka Farmaayo uu ku soo beegmay xilli aad u dambeeya oo laga yaabo inay fursad u noqoto.
Wadani.com