Muqdisho (Wadani Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi sare oo ka socda xiriirrada kubadda cagta adduunka iyo Afrika, kuwaas oo kala ah FIFA iyo CAF.
Xubnaha Wafdiga Muqdisho lagu soo dhoweeyay waxaa ka mida xiddigii hore ee K/cagta Qaaradda Afrika, sida Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha.
Waxay xubnahan casuumaad rasmi ah ka helay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa xiriirka wanaagsan oo ay Soomaaliya la leedahay ururrada caalamiga ah ee ciyaaraha.
Waxaa garoonka Muqdisho uga hortegay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, Xiriirka kubadda cagta, dadweyne badan iyo kooxaha ciyaaraha dalka.
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in kulankan uu yahay calaamad muujinaysa soo kabashada dalka, gaar ahaan dhinaca amniga. Waxay sidoo kale xuseen in ay tani tahay fursad lagu soo celinayo kalsoonida caalamiga ah ee ku aaddan qabashada tartamada heer caalami ee gudaha Soomaaliya.

