Askari ka tirsan ciidamada nabadsugidda NISA ayaa caawa lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay weerar koox hubeysan ku qaaday oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Buurdheere ee Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, markii dabley Bistoolado ku hubeysan ay weerar ku qaadeen askartan oo ka howlgeli jiray xarunta Wasaarada amniga gudaha ee Soomaaliya.
Mid ka mida askarta oo magaciisa lagu sheegay Anas ayaa lagu dilay, iyadoo askariga kale la dhaawac xoog leh kasoo gaaray kaasoo lagu magacaabo Ibraahim Shig Shigoow.
Dableyda weerarka geysatay goobta ka baxsaday, waxaana markaas kadib goobtaasi gaaray ciidamada ammaanka.
Wadani.com