Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Sirdoonka ee NISA ay xirtay Ahmed Omar Yusuf oo loo yaqaan (Xarbi Jubad).
Xariga Xarbi Jubad ayaan wax faahfaahin laga bixin, marka laga reebo saaxiibadiis oo sheegay inay qabteen ciiiamo ka tirsan NISA iyadoo loo heysto warar uu ku qoray baraha bulshada. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu xirtay sarkaal ka tirsan NISA, kuna heysto gurigiisa.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa FB ku sheegay in xariga Xarbi Jubad uu hannaanka siyaasadeed ee madaxda dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dalka lagu maamulo.
Xildhibaanka ayaa sheegay in hay’adihii dowladda loo adeegsanayo dano shaqsiyeed. Hore ayay NISA u xirtay shaqsiyaad kala duwan oo aan denbi ah lagu soo oogin, balse maalmo lagu hayay xabsiyada NISA.

HOOS KA AKHRISO FARRIINTA XILDHIBAAN MAHAD SALAAD
XARIGA XARBI JUBAD WUXUU TUSAALE FIICAN U YAHAY HANAANKA SIYAASADEED EE MADAXDEENU RABTO IN DALKA LAGU MAAMULO!
Sida ku cad Qodobka 18aad ee Dastuurka qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu soo bandhiga ra’yigiisa xog ama afkaar si kastaba. Sida xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka ah.
Sidoo kale sida ku cad Qodobka 127aad ee Dastuurka Ciidammada Amniga waa inay dhowraan Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Talinta Sharciga, xuquuqda asaasiga ah iyo dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed.
Waxaa nasiib daro ah hay’adiihii mas’uulka ka ahaa fulinta sharciga iyo dhowriska xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed IN LOO ISTICMAALO DANO SIYAASADEED, shaqana looga dhigo hebal muxuu ku qoray Facebook giisa ama Twitter kiisa!
Haddaba, waxaan codsanaynaa in Mudane Xarbi Jubad xorriyadiisa dib loogu soo celiyo. Hantida Umadda Soomaaliyeedna aan lagu dhibaateyn Shacabka Soomaaliyeed.
Wadani
Hay’adda Nabadsugidda NISA oo Xabsiga dhigtay Sawir-qaade caan ka ahaa Baraha Bulshada