Muran ku saabsan qaab dhismeedka maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa hareeyay shirka wadatashiga hiigsiga cusub ee qaabka doorashada dalka ka dhici doonta 2016.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu murankan cusub soo dhex dhigay shirka wadatashiga kadib markii ay fashilantay qorshihii hore ee Puntland oo ahaa inuusan la fariisaan maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka ayaa ku adkeytstay inay jirin maamulo kala xaq badan iyo kuwo kala liita inta ay dhammaaneyso geedi socodka dhismaha maamulada dalka waxayna sheegeen in maamuladu wada siman yihiin.
Maamulka Puntland ayaa isu wada inuu yahay mid buuxa, halka maamulka Juba ay dhowaan sheegtay inay kumeelgaarkii ka baxday, waxayna arrintan dib ugu celineysaa is-maandhaafkii horeba uga taagnaa ee ku saabsanaa federaalka aan sida fiican loo qeexin.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]