Waxaa isa soo taraya warar ku saabsan Qorshe muddo kordhin ah oo ay wadaan guddoonka Golaha Shacabka ee Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh iyo C/weli Ibraahim Muudey, kaasoo laga cabsi qabo in si lama filaan ah ay gacanta ugu taagaan fadhiyada soo socda.
Qorshaha muddo kordhinta oo si aan qarsoodi ahayn ay ololihiisa u wadeen labada nin ee ugu sareysa Gudoonka Golaha Shacabka ayaa dhinaca kale taageero ka heysta Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo; waxaana fadhiga maanta ee Baarlamaanka looga hadlayaa Sharciga Dembiyada la xiriira Galmada, iyadoo ay dhici karto in ajendayaal lama filaan ahi soo baxaan.
Guddoonka Golaha Baarlamaanka iyo xildhibaannada u ololeynaya muddo kordhinta ayaa ku doodaya in Baarlamaankan uu sii jiri doono inta uu ka imaanayo Gole Baarlamaan oo ku yimaada Doorasho Qof iyo Cod ah.
Guddoonka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa ku dhaqaaqay tallaabooyin ay kula wareegeen awoodihii Aqalka Sare, iyagoo tartanka kula jira Maamul Goboleedyada,.

Qaabkii loo riday xukuumadii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre 25-kii July 2020 ayaa xaqiiqo ka dhigtay in Guddoonka Baarlamaanka hadda jira uu qaadi karo tallaabo kasta oo ay doonaan.