Wasaaradda maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay bilowday inay mushaar siiso shaqaalaha dowladda iyadoo ku dhaqaaqday tallaabo aan hore loo arag oo ah in ay warbaahinta ka baahiso shaqaale lacag la siinayo iyadoo saxafiyiin geysay Bankiga dhexe.
Arrintan waxay xaalad halis ah gelisay shaqaalaha dowladda oo aan wax mushaar ah qaadan muddo 5 bilood ah, kuwaas oo mudadaas lagu yeeshay deymo badan, balse wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya oo kaliya bixineysa mushaar Hal bil ah (Maarso) oo heerarkiisu ugu badani yahay $700 ayaa shaqaalaha mushaarka la siiyay u abuurtay jawi baxar ah oo ay aad u dhibsadeen.
Mid ka mida shaqaalahaasi ayaa sheegay in muddo shan bilood ah aanu mushaar qaadan, haddana ay gabagabo tahay Bishii Ramadaan, iyadoo lacagta la siiyay ay tahay Bil qura hadddana warbaahinta laga shaaciyay, ayuu is weydiiyay wax uu ku sameyn doono lacagtaas oo dadkii deynta ku lahaa wada qabsan doonaan iyo inuu ciyaalkiisa dhar ugu soo iibiyo?
Dowladda Federaalka ayaa tallaabadan u qaaday inay muujiso inay bixineyso mushaarka shaqaalaha oo muddooyinkii danbe qeylo dhaan ka taagneyd, laakiin waxay dhibaato kale u soo jiiday shaqaalihii dowladda mar hadii ay bixin weyday 4 tii bilood ee ay xaqa u lahaayeen.
Goobjooge.com