Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Mushaar La’aanta ciidamada oo halis gelisay dagaalkii ka dhanka ahaa Alshabaab (Warbixin Guddiga Q/Midoobay)

    Mushaar La’aanta ciidamada oo halis gelisay dagaalkii ka dhanka ahaa Alshabaab (Warbixin Guddiga Q/Midoobay)

    October 8, 2015Updated:October 8, 20156 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wakaalada wararka ee Reuters oo heshey warbixin ay arrimaha Soomaaliya ka qortey hay’ada QM u qaabilsan cunaqabateynta hubka ee dalalka Eretria iyo Soomaaliya ayaa lagu sheegey in awood darida Soomaaliya ka heysato in ay bixiso mushaaraadka askartooda ama xataa ay siiso cuno waxa ay qatar galisey oo ay wax kama jiraan ka soo qaaday sanado badan oo howl adag ay ku jireen, iyo guulihii ay ka soo hooyeen dagaalka ay kula jireen Al-Shabaab.

    A member of Somalia's hardline al Shabaab rebel group walks with a machine gun after attending Eid al-Adha prayers inside a football stadium north of the capital Mogadishu November 16, 2010.   REUTERS/Feisal Omar

    Labadii bil ee la soo dhaafey ayey warbixintu sheegtey in maleeshiyadka ku xiran Alqaacida ee Alshabaab ay u suurta gashey in ay qabsadaan xerooyin ay degenaayeen ciidamda nabad ilaalinta, iyagoo dibna u qabsadey dhowr magaalo oo yaryar oo ay ka soo baxeen ciidamada dowladda oo ku yaalla gobolka Sh/Hoose.

    Iyadoo aysan qofna fileyn in kooxda Alshabab ay  dib u qabsado dhulkii hore ay uga saareen ciidamada Midowga Africa iyo kuwa Soomaaliya, ayaa waxaa hadda jirta cabsi laga qabo in dadaallo sanado socdey oo la doonayey in dib loogu habeeyo ciidamda ay meel cidlo ah ku soo dhaaan iyadoo askarta qaar ay ciidamada isaga tagayaan, qaar ay Isbaarooyin dhiganayaan, qaar kale ay laaluush qadaanayaan, halka ay jiraan kuwo kale oo iyagana aaanan niyad u heyn in ay dagaalamaan.

    Mushaar la’aanta ciidamada ee lixda bilood soo jiitameysay, ayaa waxa ay sii xumeysey xiriirka dowladda iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah sida Mareykanka iyo wadamada Yurub, kuwaasoo balaayiin doolar ku maal galiyey in Soomaaliya lagu nabadeeyo, islamarkaana lagu xidido siibo xagjiriinta ku sii fidaya Geeska Africa.

    “Inaad xukuntu ciidamo aan mushaar la siin waa dhibaato, waayo amaradaadu waxa ay ku dhacayaan dhago owdan” ayuu yiri Colonel Farah oo ka mida taliyayaasha milatariga koofurta Soomaaliya, isaga oo sheegey in askar badan oo aan mushaar qaadan ay isbaarooyin dhigteen wadooyinka iyagoo ku qal qaliya lacagana uga qaata dadka rayidka ah.

    “Uma wadi kartid furumaha dagaalka , waayo waxa ay ku weydiinayaan maxaan u dhimaneynaa?” ayuu yiri Colonel Farah oo la hadlaayey wakaalada wararka ee Reuters.

    Reuters oo sida ay qortey aragtey nuqul ka mida warbixin ay soo wado Monitoring Group ayaa waxa ay xuseysaa in warbixintaasi ay sheegeyso in musuqu yahay hal sabab oo aanan mushaaradka loo bixin. Warbixinta Monitoring Group ayaa ku eedeysey taliyayaasha militariga in ay si been abuur ah u kordhiyaan tirooyinka ciidamada iyo iyadoo lagu takrifaley mushaaraadkii ciidamada loogu tala galey.

    Warbixintan ayaa loo qeybiyey golaha guud ee ammaanka lamana daabici doono ilaa iyo inta ay dhammaan xubnaha golaha ka eegayaan.

    Somalia waxa ay baari doontaa eedaha lagu soo gudbiyey warbixinta QM ayuu sheegey Abdisalam Caato oo ah afhayeenka dowladda, isagoo intaas raaciyey in daryeelka ciidamda ay tahay muhiimada koowaad ee dowladda.

    Soo xoogeysashada Alshabaab waxa ay walaac iyo cabsiba galineysaa waddamada dariska la ah Somalia sida Kenya oo kale, oo ay kooxdu ku dishey boqolaal qof weeraro baahsan oo ay ku qaadeen, iyagoo Kenya ku ciqaabaya ciidamdii ay u direen Soomaaliya.

    “Bixinta mushaaraadka ciidamada  waa mid ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee aanu kala hadalno dowladda” Sidaasi waxaa yiri diblomaasi reer galbeed ah oo la hadley wakaaladda wararka ee Reuters, Isagoo intaas raaciyey in wakiilo kala duwan ay arrintaas kala hadleen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo yiri “dhamaanteen arrintan si dhab ah ayaanu uga walaacsannahay”.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii hore baddaley taliyihii ciidamada isagoo ku dhawaaqey barnaamij ballaaran oo dib loogu habeynayo hey’adaha am,aanka wacadna ku marey in jiritaanka ciidamada qalabka sida ay noqon doonto muhiimadiisa koowaad. Waxaa kale oo uu  madaxweynuhu carabka ku dhuftey in  mushaar bixin toos ah ama electronic ah loo sammeyn doono ciidamda si looga fogaado in la lunsado malaayiin doolar.

    Warbixinta Mintoring Group, oo ay aragtey wakaalada wararka ee Reuters ayaa lagu xusey in madaxda saree e ciidamda ay aad sare ugu qaadaan tirada ciidamda si lacago badan loogu lunsado, tiradaasoo ah mid aan jirin.

    Monitoring Group, ayaa warbixinteeda ku sheegtey in “Dhowr dhacdo ayaa muujiyey qataraha si xun u maamulka dhaqaalaha iyo qataraha maanka ee arrintaas ka iman kara taasoo saameyneysa ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya taasoo ka mugweyn oo kali ah musuq ka dhex jira hay’adaha ammaanka dowlada federaalka”.

    Warbixinta ayaa xustey in xadka ama heerka musuq maasuqa iyo xorriyada fara laga qaadka ah ee masuuliyiinta ciidamada qaranka ay dhaawacdey kalsoonidii deeq bixiyayaasha ay ku qabeen dowladda.

    Dahir Adan Elmi, oo dhawaan laga badeley xilkiisii taliyaha ciidamda ayaa sheegey in eedeymaha QM ay yihiin mid aan raad alheyn isagoo sababta mushaar la’aanta keenteyna ku sheegey dhaqaalihii dowladda usoo xaroon jirey oo hoos u dhacay balse aysan ahayn musuq.

    Ra’iisul wasaare Sharrmarke ayaa u sheegey wakaalada wararka  ee Reuters in guulaha Alshabab ee qeyba ka mid ah Shabeellaha Hoose ay leedahay uun saameyn yar.

    Mar ay Reuters weydiisey mushaar bixin la’aanta ciidamda ayuu sheegey ra’iisul wasaraha in dowladiisu ay xoogga saareyso sidii ay meesha uga saari laheyd tirooyinka been abuurka ah ee ciidamada si loo helo tirada rasmiga ah ee ciidamada.

    Dhanka kalena saraakiisha ciidamada qaar ka mida AMISOM ayaa qatar ka muujiyey ciidamada aan mushaarka qaadan ee ka bar bar dagaalamaya.

    Deeq bixiyayaasha ayaa rajeynaayey in kadib markii la wiiqey Ashabaab gaar ahaana koofurta Soomaaliya in ciidamda Soomaalida ay la wareegi doonaan ammaanka meelaha ka baxsan magaalooyinka.

    Stig Jarle Hansen, oo ah qabiir  Jaamacada NMBU ee dalka Norway wax ka dhiga, ayaa sheegey in aysan Alshabab marna aysan tir tirmi doonin haddii aanan la sugin ammaanka meelaha miyiga ah taana waa inay Soomaalida lafteeda sameeyaan.

    Barnaamij la doonaayey in la isugu dhafo ciidamada qabaa’ilka loogana mid dhigo ciidamada xooga dalka ayaa u muuqda mid gabi ahaanba bur buraya, barnaamijkan ayaa ka socdey magaalada Kismaayo. Sida ay sheegeen waxgaradka qabaa’ilada deegaankaas boqolaal dagaal yahano ah ayaa isaga tegey askarta kadib markii ay dowladdu bixin weydey mushaarkoodii.

    Mid ka mida la taliyayaasha reer galbeedka ee dhanka amaanka yaa sheegey in labadii todobaad ee ugu danbeysey ay 1500 oo askar ah xareysneyd ay hadda ka joogaan 800 oo kaliya, iyagoo taana ku bedeshey isbaarooyin sharci daro ah.

    Kooxd QM ayaa sheegtay in sixitaan lagu sameeyo dhaqaalaha ciidamada ay tahay mid halbowle u ah in la adkeeyo guulihii horey loo gaarey, si looga fogaado bur bur ku yimaada ciidamadan kadib marka ay AMISOM ka baxdo Somaaliya. Balse dhismaha niyada askarta sida Hassan Osman waa ay adkaan doontaa hadii aanan lagu caawin in ay reerahooda biilkooda bixiyaan.

    Hasan oo sawirayey caqabadaha heysta ayaa sheegey in ay aadan faraxsanan karin iyadoo dhinac ay kaala dagaalamayaan Alshaabab dhanka kalena ay xaaskaagi ku weydiisaneyso warqadii furiinka.

    Alshabab Dowladda Somaliya Guddiga Qaramada Midoobay Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFailure to pay soldiers threatens Somalia’s war on Islamists
    Next Article Kulankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee maanta oo laba qorshe looga hadlay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo