Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegay in Xildhiban ay wadatay Madaxtooyada Soomaaliya looga adkaaday Doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka.
Musharaxan oo lagu magacaabo C/raxmaan Cali Muumin ayaa ka mid ahaa musharixiintii u tartanka Aqalka hoose galay looga guuleystey doorashadii ka dhacday maanta magaalada Jowhar.
Ninkan oo ahaa ganacsade ay taageereyso kooxa Damjadiid ayaa olole balaaran ka sameeyay xalay magaalada Jowhar, wuxuuna C/raxmaan Cali Muumin bixiyay lacag ku dhow 100-kun Doolar isagoo balanqaadyo kale u sameeyay ergada doorashada, wuxuu kaloo taageero ka heystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle Zakariye Xaraare.
Guuldarrada musharax C/raxmaan Cali Muumin ayaa timid markii uu tartanka la soo galay musharax ka yimid dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Cumar Cismaan Waasuge, kaasoo ergada Doorashada 30 ka mida u qeybiyay min $3,200 Dollar taasoo keentay inuu si sahal ah kursigaasi ku qaato.
Adeegsida lacagta iyo iibsashada codadka ayaa wax caadi ah ka noqday goobaha ay doorashadu ka dhaceyso sanadkan, taasoo nidamka doorasho ka dhigtay mid ka maran xornimo iyo xalaal.
Wadani.com