Musharaxa madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame oo khudbad ka hor jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa si weyn u weeraray madaxweyne Xasan Sheekh iyo waxqabadkii dowladii uu hogaaminayay.
Isagoo khudbadiisa ku bilaabay aayado quraan ah ayuu sheegay in xaaladda Soomaaliya mareyso ay tahay mid adag oo aanay hanan karin dowladnimooda oo ay u hayaan AMISOM.
Wuxuu sheegay in baarlamaanka aanu wax xuquuq ah heysan, wuxuuna caddeeyay in la dilay 19 xildhibaan oo aan waxba loo qaban, inkastoo Guddoomiye Jawaari uu sheegay in 18 ay ahaayeen xildhibaanada la dilay.
C/raxmaan C/shakuur ayaa mid mid u soo qaatay heshiisyada qandaraasyada ay bixisay dowladda Federaalka oo uu sheegay in lagu naas nuujiyay dad qaraabo ah, laguna takri falay hantiidii umadda.
Wuxuu si toos ah weerar ugu qaaday halheyka QABYO NINKEEDAA DHAMEYSTIRA ee madaxweyne Xasan Sheekh isagoo is weydiiyay qabyada la dhameystirayo inay tahay dhibaatooyinka yaala.
Wadani.com