Musharaxii labaad marka laga reebo Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo maanta uga dhawaaqay inuu u tartamayo xilka madaxweynaha Jubbad e la filayo inuu dhowaan ka dhaco magaaladaasi. Nin oo hore u soo nqoday xildhibaan ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu magaacaabaa Hilowle Aadan Maxamed.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo ayuu ka sheegay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Jubba, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu dadka Jubbaland ugu shaqeeyo si daacada h, isla markaana horumariyo maamulkaasi.
Shirka musharaxan ku shaaciyay inuu la tartamayo Axmed Madoobe ayaa ka dhacay Hotel Kismaayo iyadoo ay ka qeybgaleen dad kooban oo waxgarad iyo siyaasiyiin isugu jira.
Doorashada Jubba ee mugdiga badan hareeyay waxaa ilaa hadda isu taagay inay u tartamaan:
- Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)
- C/llaahi Ciilmooge Xersi
- Hilowle Aadan Maxamed
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]