Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa balanqaad aan hore loo arag bixiyay haddii loo doorto xilka madaxweynaha.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu Mudane Farmaajo ku sheegay warka soo socda: “Haddii madaxweyne la ii doorto, waxaan nabadgelyo ku soo celin doonaa Soomaaliya muddo sanad gudihiis ah, waxaan marti qaadayaa Alshabaab, waan la fariisanayaa, wadahadal ayaana la furayaa…”.
Qoraal kale oo uu daba dhigay ayuu ku sheegay in haddii ay Alshabaab ogolaadaan inay la fariistaan inuu soo dhoweyn doono. “Alshabaab waa dhalinyaro Soomaaliyeed, waxayna xaq u leeyihiin in la maqlo” ayuu yiri Musharax Farmaajo.
Musharax Farmaajo ayaan la ogeyn qaabka uu Alshabaab kula hadlayo laakiin waxaa muuqata in ololaha doorashada uu la galay arrimo aan macquul ahayn, taasoo ay ugu wacan tahay xaaladda adag ee doorashada.
Wadani.com