Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ololihiisii ugu horeeyay ka bilaabay magaalada Muqdisho tan iyo intii uu dib ugu soo laabtay 4 sano kadib.
Musharaxa ayaa qado u sameeyay xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Kismaayo, wuxuuna u bandhigay qorshihiisa musharaxnimo isagoo weydiistay inay taageeradooda siiyaan.
Kulanka waxaa ka dhex muuqday madaxweynihii hore ee maamulka Jubba C/llaahi Fartaag iyo xildhibaano ku dhow 30meeyo oo labada aqal ka tirsan.
Farmaajo oo ka mida musharixiinta markii labaad u ordeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa inuu taageero ku leeyahay shacabka laakiin marka ay timaado xildhibaanada ay aad u yar tahay rajadiisa.

Wadani.com

![Musharax Farmaajo oo ololihiisii ugu horeeyay ee Doorashada ka bilaabay Muqdisho [Sawirro]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2016/12/Farmajo01-e1482954354296.jpg)