Mid ka mida musharixiinta madaxweynaha Galmudug ee qaadacay inuu ka qeyb galo Doorashadii Galmudug ayaa hambalyo aan la fileyn u diray madaxweynaha cusub ee shalay lagu doortay magaalada Dhuusamareeb Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Kamaal Daahir Guutaale ayaa qoraal u caawa ku baahiyey baraha bulshada ayaa so dhoweeyay Madaxweyne Qoorqoor, wuxuuna ugu baaqay inuu u howlgalo sidii uu isugu keeni lahaa garabyada ku hardamaya Galmudug, isla markaana uu bedelo hab-dhaqankii dowladda uu wasiirka ka ahaa.
“Waxaan halkaan ka soo dhaweynayaa Madaxweyne Ahmed Abdi Kaariye ilaahayna oga baryayaa inuu ku asturo xilka muhiimka ah ee reer Galmudug uu u qaaday, waxaan ugu baaqayaa inuu wax ka badalo hab-dhaqankii Dowladii uu wasiirka u ahaa, u howl galo sidii la isugu keeni lahaa garabyada maanta ku hartamaya Galmudug, uu dhaqan ka dhigto tanaasul iyo dad isku wad si loo gaaro Galmudug mideysan, loo dhan yahay oo isku Dan ah..” ayuu qoraalkiisa Kamaal Guutaale.
Wuxuu eedeyn u jeediyey dowladda Federaalka oo uu sheegay in wax kasta oo la isku qabtay ay diiday inay ka tanaasusho, isagoo dhinaca kale bogaadiyey kaalinta Ahlu suna.