Iyadoo ay soo baxayaan Natiijooyinka Doorashadii Golayaasha Wakiilada iyo Degmooyinka Somaliland ayaa la sheegay inuu xildhibaan noqday nin kasoo jeeda Beesha Hawiye.
Wararka soo dhacaya ayaa sheegaya in Mudane Qaasim Aadan Saleebaan oo kasoo jeeda Jufada Fiqi Shini, beesha Ayaale Ceyr ee Habargidir loo dortay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiila ee Baarlamaanka Somaliland.
Musharaxan oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa laga soo doortay Gobolka Sool, waxaana halkaasi si weyn u deg oo beesha uu kasoo jeedo.
Musharax Aadan Qaasin ayaa dhowaan lagu xiray magaalada Hargeysa, wuxuuna xarigiisa ku tilmaamay sharci darro ah oo siyaasadeysan oo ay ka dabeeyeen madaxda xisbiga Kulmiye; isagoo sheegay inay sii deyntiisa dadaal u galeen xisbigiisa Waddani.


