Mid ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta laga waayay fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ee labada aqal oo la filayay inuu ka soo xaadiro.
Musharaxan oo ahaa qofka koowaad ee la qorsheeyay inuu khudbadiisa musharaximo ka horjeediyo Baarlamaanka ayaa lagu dhawaaqay inuu cudurdaar keenay isagoo sheegay inuu safar ku maqan yahay.
Musharaxa ayaa lagu magacaabaa Axmed Maxamed Cabdi, waana nin ku cusub siyaasadda oo muddo dheer ku noolaa dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana ka mid ah sirdoonka dalka Imaaraadka Carabta oo heer generaal uu ka gaaray.
Lama oga sababta keentay inuu ka baaqsado baarlamaanka isagoo laba maalin ka hor soo gaaray Muqdisho oo buuxiyay shuruudihii madaxweynaha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay inay Guddiga Doorashada u taallo waxa laga yeelayo musharaxaasi.
Wadani.com