Musharaxa xilka Madaxweynaha C/qaadir Cosoble Cali oo ka mida midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa qoraal ku saabsan ciidamada dowladda u dirtay dalka Eritrea u diray Madaxweynaha Soomaaliya isagoo ku hadlaya magaca Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Federaalka.
Qoraalka ayuu uga dalbaday Madaxweyne Farmaajo inuu u caddeeyo ciidamada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea tiradooda iyo goorta ay ku soo noqonayaan dalkooda, wuxuuna sheegay in Guddiga ay cabasho kasoo gaartay waalidiin fara badan oo carruurtooda la’, ayna soo jiraan warar sheegaya inay ku dhinteen dagaaladii ka dhacay Gobolka Tigray.
“Waxaan Maaxweyne kaa codsaneynaa inaad cadeysid halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas tababarka loo qaaday, lana xiriirisid waalidiintooda, waxaan kale oo aan kaa codsaneynaa in si degdeg ah loogu diro guddi dowladda iyo golaha shacabka ka kooban oo soo xaqiijiya noloshooda iyo geeridooda intaba” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ah Guddoomiyaha Guddigan, ahna Musharax madaxweyne oo qoraalka keligiis ku saxiixnaa.

