Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa tegay dalka Koonfur Afrika.
Jaaliyadda Soomaaliya ee K/Afrika ayaa magaalada Johnsberg Shariif Sheekh Axmed ugu sameysay kulan casho sharaf ahaa, waxaana kulanka kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee jaaliyada oo iskugu jiray Odayaal, Ganacsato, Aqoonyahano, haween iyo dhalinyaro.
Qaar ka mid ah Odayaashii iyo Waxgaradkii lagu casuumay oo ka hadlay kulanka lagu soo dhaweynahay musharaxa madaxtinimada Soomaaliya ahna madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa waxa ay sheegeen inuu Wadanka Soomaaliya u baahanyahay isbedel iyo hogaan xogogaal ah, waxayna intaa ku dareen in madaxweyne Shariif uu ahaa xilligiisii nin dadku usimanyihiin uuna mudan yahay in mar kale la doorto, si uu horay ugisii wado dadaalkiisii wanaagsanaa ee uu ku hagaajiyay ammaanka dalka.
Madaxweynihii hore mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo kulanka ka jeediyay khudbad kooban ayaa sheegay in Soomaaliya ubaahan tahay in xasalinteeda lagu gaaro aqoon iyo xogogaalnimo, waxa uuna sheegay haddii uu mar kale hogaaminta dalka ku guuleysto inuu wax ka qaban doono ugu horeyn xagga ammaanka iyo dib uheshiisiinta.
Ugu danbeyn Qaar ka mid ah dadweynihii kasoo qeybgalay kulanka ayaa fursad u helay inay su’aalo weydiiyaan musharaxa madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya ahna madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed, wuxuuna jawaabihiisa ku sheegay inuu la imaan doono qorshe dowladeed oo dhameystiran insha allaah.
Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)