Musharax shariif Sheekh Axmed oo maanta isu diiwaan geliyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa xoojiyay ololihiisa doorashada madaxweynaha.
Shariifka ayaa booqday hotelka Dayax ee weerarka ay ku qaadeen kooxda Alshabaab isagoo la kulmay maamulka Hotelka oo uu ka dhageystay sidii ay wax u dhaceen, wuxuuna ahaa musharaxa kaliya ee goobtaasi tegay.
Dhinaca kale Sheekh Shariif ayaa goor dhoweyd booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qarixii Hotel Dayax, isagoo tegay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan inta badan dhaawacii weerarka Hotel Dayax.
Sheekh Shariif oo ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa si xoog leh u wada bandhigiisa ololaha doorashada oo uu u adeegsanayo meelo xasaasi ah, waxayna tani musharixiinta kale ku dhalisay inuu ka dheereeyay Sheekha.
Xiligii uu madaxweynaha ahaa Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu xusuustaa inay Muqdisho ka dhaceen weerardaii ugu waaweynee ee Alshabaab, sida kii Hotel Shamo oo lagu dilay dad badan oo ay ka mid ahaayeen 4 wasiir oo xukuumadiisa ka tirsan.
SAWIRRO
Wadani.com