Musharaxa xilka madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed oo hadda u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa weerar qulus oo aan hore loo arag ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shariifka ayaa si aan looga baran shaqsiyan u weeraray Xasan Sheekh isagoo ku eedeeyay musuq iyo inuu dhacay hantidii Qaranka intii uu xilka hayay, wuxuuna si qayaxan u sheegay in lacagta laga qaato Xasan Sheekh, laakiin madaxweynaha soo socda uu isagu noqon doono.
Shariif Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa warkiisii ugu horeeyay ka dhigay inuu si aan hore loo arag u weeraro ninkii xilka uga danbeeyay, isagoo soo qaatay inuu Xasan Sheekh dhammaan ku fashilmay lixdii tiir ee uu umadda u balan qaaday.
Isagoo weerarkiisa sii wata ayuu sheegay in lacagta kasoo xaroota dekadda iyo garoonka Muqdisho lagu takri falo, isla markaana kursiga sababta uu Xasan Sheekh isugu dhejinayo ay tahay in hantida umadda lasii dhaco.
Shariif Sheekh Axmed oo dowladii uu hogaaminayay ka mid ahayd kuwii lagu eedeeyay musuqmaasuq badan ayaa hadda ku dhegan dowladii Xasan Sheekh, waxaana ololaha doorashada uu wax weyn isu bedelay qaabkii hadaladiisa siyaasadeed oo hadda noqday kuwo qayaxan.
Wadani.com