Musharax aan la fileyn ayaa ku guuleystay kursi ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, kadib markii uu tartan adag la galay Senatoorkii difaacanayey kursigaasi.
Natiijadii wareegga saddexaad ayaa loo gudbay markii uu meesha ka baxay musharixii saddexaad ee wareegga labaad aadi lahaa, iyadoo markaasi loo gudbay wareegga 3-aad oo ay isugu hareen labadii musharax ee ugu cod badnaa.
Axmed Maxamed Cali (Af-caddeey) ayaa wareegii saddexaad ku guuleysay codad gaaraya 52, halka Senatorkii hore Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan uu ka helay 44 Cod. Waxaana lagu dhawaaqay inuu Senator-ka cusub noqday Axmed Maxamed Afcaddey.
Senator Af-caddey ayaa la sheega inuu yahay musharax dhinacyo badna taageero ka helay, iyadoo lagu xagliyo kooxda madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed; waxaana uu ku soo baxay tartan aad u adag oo meesha looga saaray senatoorkii kursiga hore ugu fadhiyey.
Waxaa hambalyo degdega u soo diray Shariif Sheekh Axmed oo qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku yiri: “Waxaan hambalyo leeyahay Col Axmed Maxamed Cali (Afcadeey) oo magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle loogu doortay inuu kamid noqdo aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya”
