Mid ka mida musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyay in lacago laaluusha ay lagu qeybinayo hoteelada iyo guryaha qaar ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay inay nasiib darro tahay dad doonaya inay dadka hogaamiyaan inay lacag laaluush ah qeybiyaan, isagoo nasiib darro iyo calool xumo ku tilmaamay waxa caawa ka socda Muqdisho.
“Waxaa caawa nasiib daro ah in dad raba in ay shacabka hogaamiyaan ay lacag laaluush ah ay ku qeybinayaan Hoteelada iyo guryo ay si gaar ah u kireysteen. Waa calool xumo weyn. Ilaahey waxaan ka baryi in ummadaan masuuliyada ugu dhiibo kuwa ugu kheyrka badan kana leexiyo kuwa mufsidiinta ah…” ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo bogiisa FB soo dhigay qoraalkan.
Ololaha Dooroshada ee sii kululaaday caawa saqda dhexe kadib magaalada Muqdisho ayaa la soo sheegayaa in lacago fara badan lagu kala iibsaday codadka xildhibaanada iyadoo in ka badan 7 goobood ay ka dhaceen arrimahaasi.
Wadani.com