Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa farriin cabsi leh u dirtay xildhibaanada cusub.
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa xildhibanaada labada Aqal ee la soo doortay u diray farriin wacdi, cabsi gelin iyo guubaabo isugu jirta, wuxuuna si damiirka taabaneysa ula hadlay xildhibaanada cusub xilliga ay dooranayaan madaxweynaha cusub ee dalka.
HOOS KA AKHRI FARRIINTA TARSAN
WARQAD FURAN OO KU SOCOTA XILDHIBAANADA CUSUB EE LOO SOO DOORTEY BARLAMAANKA DFS.
Waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo masuuliyadda dusha la idiin saarey oo shacabka Somaaliyeed aad u heysiin. Si kastaba ha la idinku soo doorto, si kastaba ku imaada meesha aad maanta joOgtaan hal aRrin ayaad ka siman tihiin una siman tihiin taasoo ah saddexda arrin oo la idinku dhaarin doono.
Waxaad ku dhaarandontaa Illahay hortiisa sedex magaca oo ah ” WALAAHI” BILAAHI” TALLAAHI” inaan ka shaqeyn doono ” DANTA DADKA” “DALKA & DIINTA” dhaartaas waxaa marqaati ka ah Illaahaaga ku abuurey oo dib ugu noqon doonto iyo shacabka Somaaliyeed. Dhaartaas waxey burrineysaa Dhaar kasta oo aad hore ugu soo martey shaqsi raba inuu dantiisa gaarka ah ku gaaro.
Waxaan idinku baraarujinayaa marka aad codeyneysaan oo aad ku jirtaan qolka yar ee aad warqada ku xariiqeysiin inaad ogataan in Qolkaas la mid yahay Qabriga labada mitir ah oo uusan jirin qof kula jooga oo aan ka aheyn adiga iyo Illaahaagii aad ku hor dhaaratey. Illaahey iyo shacabka Soomaaliyeed waxay kaa sugayaan inaad fulisaan wixii ku dhaarateen oo ah Danta Dalka, Dadka Diinta.
Wadani.com