Mid ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay taladii ugu yaabka badneyd ee ku saabsan qofka noqda madaxweynaha Soomaaliya.
Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa qoraal uu dhigay bartiisa FB ku sheegay in si looga gudbo arrinta caadada noqotay ee ah qofkii madaxweynaha noqda inuu jufadiisa u xagliyo uu soo jeediyay qofka madaxweyne loo doorto in laga iibsado qabiilkiisa oo la siiyo Diyo u dhiganta 100 Halaad.
HOOS KA AKHRI TALADA TARSAN
Waayahaan waxaa na soo marey qof marka uu noqdo madaxweynaha dalka u maleeya inuu madaxweyne u yahay Jufadiisa iyo reerka uu ka soo jeedo. Taas waxey keentay in heyadihii dastuuriga ahaa uu ka wada dhigo hay’ado jufadiisu leedahay.
Si arintaan soo noqnoqtey u dhicin waxaan soo jeedinayaa in marka madaxweyne cusub la doorto in dhaqan laga dhigo madaxweynahaas la doortey in laga gado qabiilkiisa oo la siiyo qabiilka uu ka dhashey diyadiisa oo ah 100 halaad oo geel ah halkaasna ay ku dhamaato in uu ka tirsan yahay qabiil gaar oo uu noqdo nin u dhashey qaranka Somaaliyeed.
Wadani.com