Musharax Maxamud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku eedeeyay in ra’iisal wasaaraha Itoobiya inuu faragelin ku hayo Doorashada Soomaaliya.
Tarsan oo hore u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir haddana u taagan xilka Madaxweynaha Somaaliya ayaa shaaciyay ayuu ku sheegay in Ra’iisal wasaare Haile Mariram Deselgn uu doonayo una ololenayo in dib loo doorto Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Madaxweynaha wuxuu taageero ka raadinayaa Itoobiya si dib loogu doorto, Ra’iisal wasaaraha Itoobiya isna wuxuu olole ugu jiraa isla arrintaasi, madaxweynaha ma kii Soomaalida baa mise waa Itoobiyaan?” ayuu qoray Tarsan.
Arrintan ayaa ka soo hor martay iyadoo madaxda saddex maamul goboleed ay hadda ku sugan yihiin magaalada Adis ababa oo isla arrimaha Doorashada dalka ay u joogaan halkaasi, waxaana ka mida madaxweynayaasha Maamulada K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug C/kariin Guuleed iyo Hirshabeellle Cali C/llaahi Cosoble.
Wadani.com