Wararka laga helayo magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Musharax u taagan xkursi xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka.
Rag hubeysan ayaa rasaas ku furay musharrax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed Dheere), waxaana dhawacyo kasoo gaareen askar ilaalo u ahayd, warar kala duwan ayaa kasoo baxaya musharaxa oo la sheegay in dhaawac fudud soo gaaray.
Musharax Maxamed Dheere u tartamaya kursiga HOP192 oo doorahsadii ay Berri ka dhceyso magaalda Garowe, waxaa la sheegay inuu weerarka ka dhashay khilaafka kursiga HOP192 oo loo xiray Musharax Maxamed Dheere, halka ay ka hor yimaadeen jufooyinka la wadaaga kursiga.
Musharrax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed dheere) ayaa Maanta qatay Shahaadada musharraxnimo, waxaana la xoojiyey amniga musharaxa oo hore uga mid haaa xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland.
