Musharax Cumar C/rashiid Cali oo ka mida musharixinta xilka madaxweynaha oo muddooyinkan danbe gaabis ahaa ololihiisa doorashada ayaa kulamo doorasho ka bilaabay Muqdisho.
Musharaxan ayaa casuumay odayaasha beesha Daarood ee ka soo jeeda Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo ku taageeray musharaxnimadiisa, waxaana odayaasha laga dalbaday inay saameyn ku yeesheen xildhibaanada beelahooda si ay u taageeraan musharax Cumar C/rashiid.
Waxaa kulanka ka hadlay odayaal fara badan oo ka soo jeeda degaanadaasi iyagoo u balan qaaday inay taageerayaan musharaxnimadiisa.
Ololaha doorashada Cumar C/rashiid waxaa dhibaato ku noqday mushrixinta ay isku beesha yihiin u ee tartamaya xilka kuwaasoo ay ka mid yihiin Cali Xaaji Warsame, C/raxmaan Faroole iyo Siciid C/llaahi Deni.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ololaha doorashada uu gaaro halka ugu sareysa iyadoo musharixiinta ay ku jiraan xiligii ugu danbeeyay ee xusul duubkooda siyaasadeed.
SAWIRRO
Wadani.com