Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa ololihiisa doorashada ka bilaabay la kulanka diblomaasiyiinta ku sugan Muqdisho.
Shariifka ayaa xaruntiisa magaalada Muqdishokulan kula qaatay Qunsulka dowladda Masar u qaabilsan Soomaaliya Tamer Safwat El-Mahdi oo la sheegay inay ka wadahadleen xaalada guud ee Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale kulamo la leh danjireyaasha dalalkooda u jooga Magaalada Muqdisho oo booqasho ugu tegay hoyga uu ka degan yahay caasimadda.
Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan ku dhawaaqay inuu dib ugu loolamayo xilka madaxweynaha Soomaaliya kadib 4 sano oo uu Villa Somalia ka maqnaa ayaa joogitaankiisa laga dareemay magaalada.
Dhinaca kale Shariifka ayaa si is daba jooga u qaabilaya xildhibaanada, odayaasha beelaha iyo waxgarad kala duwan oo salaan ugu tega, taasoo qeyb ka ah ololihiisa doorashada.
Wadani.com