Waxaa maanta magaalada ka dhacday doorashada kursi ka mida aqalka hoose ee Baarlamaanka.
Kursiga Beesha Saleebaan/Gaabane oo ahaa kursiga 29aad, waxaa ku tartamay saddex musharax oo kala ah:
- Maxamed Axmed Abtidoon
- Aadan Cusmaan Cali
- Ubax Axmed Warsame
- Mahdi Cumar Muumin
- Waxaa Doorashada qaadacday Caasho Xaaji Cilmi oo ka maqnaatay iyo Mahdi Cumar Muumin oo aan isna soo xaadirin.
Natiijadii codeunta ayaa noqotay inuu ku guuleysto Maxamed Axmed Abtidoon oo helay 41 cod, halka Aadan Cusmaan Cali helay 6 cod, Ubax Axmed Warsame 2 cod, Mahdi Cumar Muumin 2 cod.
Abtidoon yare ayaa ahaa musharax ay wadato madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna si sahlan ku helay kursiga kadib markii ay ka baxday Caasho Xaaji Cilmi.
Wadani.com