Musharixiintii ugu badnaa ayaa isu diyaarinaya inay ku dhawaaqaan inay u sharxan yihiin xilka madaxweynaha maamulka K/Galbeed, iyadoo ay ku jiraan xubno aan la fileyn inay xilkaasi u tartamaan.
Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xalay Muqdisho kula kulmay 7 musharax oo xilkaasi doonaya, waxaana ka dhex muuqday xubno isugu jira wasiiro iyo xildhibanno hore.
Musharixiintan waxaa ka mid ahaa Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), Maxamed Aadan Farkeeti Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Yuusuf Baadiyow iyo xubno kale iyo xubno kale oo xilkan doonaya inay kula tartamaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo halis weyn kasoo wajahday musharixiin culus oo ku soo biiray tartanka kursiga uu mar labaad doonayo inuu ku soo noqdo.
Wararka ayaa sheegaya in Musharaxiintna ay Sabtida tegi doonaan magaalada Baydhabo, waxayna guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kala hadleen xaalada doorashada maamulka K/Galbeed iyo sidii ay xalaal ugu dhici lahayd, iyadoo laga cabsi qabo in madaxweynaha xilka haya uu farsamooyin badan adeegsado