Musharixiin cusub ayaa isu diiwaan geliyay tartanka xilka madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo ay tahay maalintii labaad ee diiwaangelinta musharixiinta.
Maanta ayaa la sheegay inay is diiwaangeliyeen lix musharax oo cusub, waxayna tirada saacadihii ugu danbeysay musharixiinta is diiwaangelisay ay gaartay 11 musahrax.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa mashquul badan heystaa maanta, waxaana xaruntooda tegay musharixiin fara badan.
MUSHARIXIINTA MAANTA ILAA XILIGAN IS DIIWAAN GELIYAY WAXAY KALA YIHIIN:
1- Bashiir Raage Shiiraar
2- Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
3 – Maxamed Cali Ameeriko
4-Cabdi Naasir Maxamed Cabdulle.
5- Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
6- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
7- Jabriil Ibraahim Cabdulle
8- Cali Xaaji Warsame
9- Siciid C/llaahi Deni
10- Xasan Sheekh Maxamuud
WAXAA HORE ISU DIIWAAN GELIYAY MUSHARIXIINTA KALA AH:
1- Sheekh Shariif Sheekh Axmed
2- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
3- Cabdiqaadir Cosoble Cali.
4- Maxamuud Maxamed Culusow.
Tirada ilaa iminka sida rasmiga ah isu diiwaangelisay ayaa gaareysa 12 Mushrax iyadoo lagu wado inay ilaa maanta musharixiin kale ku soo biiraan.
Wadani.com