Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Musharixiin Madaxweyne oo laga digay in haddii la doorto ay Soomaaliya ku waayi doonto taageeradda Beesha Caalamka

    Musharixiin Madaxweyne oo laga digay in haddii la doorto ay Soomaaliya ku waayi doonto taageeradda Beesha Caalamka

    December 29, 20164 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warsaxaafadeedkii ugu dambeeyay ee ay Beesha Caalamku kasoo saartay doorashooyinka Soomaaliya ayaa si adag looga digay

    in ka weecashada hanaankii sharci ee lagu heshiiyay iney doorashooyinka 2016 ay ku qabsoomaan ay keeni doonto in Beesha Caalamku ka fiirsadaan taagaaradda ay siinayaan Dowladda Federaalka ee la doonayo iney bedesho tan uu waqtigeedu dhamaaday, maadaama ay soo if-baxday in hogaanka dowladaasi ay si cad u jebiyeen sharciyadii loo marayay hanaanka doorashooyinka Soomaaliya iyo weliba balanqaadkii adkaa ee ay horey u bixiyeen ee ahaa in guddiyada doorashooyinka dalka ay howshooda u gudan doonaan si madax-banaan iyagoo raacaya nidaamkii lagu heshiiyay ee lagu xaqiijin lahaa in doorashooyinku noqdaan kuwo xalaal ah.

    Wakiilada Beesha Caalamka oo ka kooban Q/Midooday (UN), Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub (EU), Urur-goboleedka IGAD, Belgium, Talyaaniga, Netherlands (Holland), Sweden, Boqortooyada Ingiriinka (UK) iyo Dowladda Mareykanka waxa ay ku xad-gudubka hanaanka iyo sharcigii loogu talagalay doorashada 2016 ay si toos ah ugu eedeeyeen Madasha Hogaanka Qaran (MHQ), kuwaasi oo War-murtiyeedkii ay soo saareen 24-kii Bishan December ku go’aamiyay arrimo ka hor imaanaya sharciga doorashada sida in xubnaha Madashaasi ee madaxda ka ah dowlad-goboleedyada dalka awood loo siiyay in midkiiba uu seddex xubnood kusoo darsado xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, halka uu Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday, Xasan Shiikh Maxamuud uu yeelanayo saxiixa ansixinta 18-ka xubnood ee ay Madashu si aan sharci doorashada waafaqsaneyn isugu raacday in lagu kordhiyo Aqalka Sare ee Soomaaliya, maadaama ay Beesha Caalamku ogeyd in horey loogu heshiiyay iney noqdaan 54 xubnood, balse haatan u muuqata xubno kordhintaasi mid ku takrifal awoodeed ah oo si gaar ah loogu daneynayo Musharixiinta Madaxweyne ee ka midka ah Madasha Hogaanka Qaran (MHQ) , sida hogaamiyaha Madashaasi,  Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cumar Cabdirashiid iyo weliba Shariif Xasan Shiikh Aadan.
    Arrinta kale ee ay beesha Caalamku walaaca ka muujisay ayaa aheyd sida ay xubnaha Madasha Qaran ugu bareereen iney awooda kala wareegaan guddiyadii doorashooyinka dalka, islamarkaana ay nidaamkii doorashada ku bedeleen hanaan cusub oo magacaabis ah oo xubnihii la doono lagu soo darsan karo labada Aqal ee Baarlamaanka, tiiyoo ay sidoo kale jebiyeen go’aanadii ay guddiga doorashada heer Qaran iyo midka xalinta Khilaafaadku ay ku laaleen 11 xubnood oo ka mid noqon lahaa Aqalka Hoose ee Baarlamaanka kadib markii ay ku cadaatay dacwado la xariiray is-daba marin liisaskii ergooyinka, ku takrifal awoodeed oo qoondadii haweenka rag loogu bedelay, beelo kuraastoodii la duudsiiyay iyo codad lagu iibsaday lacag.  Waxaana arrin aad loola yaabo noqotay in xubnaha Madashu ay si cad u dhiirigeliyeen musuq-maasuqa iyo in aanu sharcigu shaqeynin mar haddii  kulankoodii ugu dambeeyay ay ku shaaciyeen iney cafiyeen 7 ka mid ah 11-kii kursi ee guddiga xalinta khilaafaadku laaleen, taasi badalkeedana ay 18 kursi oo jeebkooda ah kusoo darsadaan xubnaha Aqalka Sare,  halka ay Beesha Caalamku horey su’aalo uga keentay qaabka 24 kursi oo dacwado ay ka taagnaayeen looga soo reebay illaa 11 kursi.
    Su’aasha kale ee iminka la is weydiinayo ayaa ah sababta ay musharixiin u taagan xilka Madaxweyne ee Soomaaliya oo weliba xubno ka ah Madasha Hogaanka Qaran ay isugu raaci karaan ku tumashada shuruucdii doorashada dalka ee horseedi karta iney Soomaaliya ku weydo taageeradii Beesha Caalamka?.
    Laga yaabee in dadka qaarkood ay durbadiiba maskaxdoodu kusoo dhacdo in Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha uu waqtigoodu dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cumar Cabdirashiid oo hal doon wada saarnaa ay horeyba raali isaga ahaayeen musuq-maasuqii baahsanaa iyo ku tumashada sharciga ee la degay dowladda Federaalka mudadii ay soo wada-shaqeynayeen, laakiin  iminka miyaaney weji-gabax iyo ceeb ku noqoneyn iney weli ku dhiiran karaan iney soo hor istaagaan shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanada dooranaya iyagoo u sheegaya in masiirka Soomaaliya lagu aamino, mise waxa ay ku talo-galsan yihiin iney mar kale madax ku noqon karaan hantida Qaran ee lagu lunsaday magaca Dowladda, islamarkaana ay dadku xaley dhaley kasoo qaadayaan arrimihii ay ku kaceen iyo kuwa ay iminka hormuudka u yihiin ee ay beesha caalamku ka digeyso iney kaga fiirsaneyso taageerada Dowladda Federaalka?.
    Marka laga reebo lix ka mid ah Musharixiinta u taagan xilka Madaxweyne ee kala ah; Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Jibriil Ibraahim Cabdulle, Saciid Cabdullaahi Diini, Maxamuud Nuur Tarzan iyo Maxamed Cali Ameeriko, maxay  musharixiinta kale ee tartanka madaxweyne ku jirta uga gaabsadeen iney ka hadlaan arrimaha sharci-darida ah ee ay ku kaceen xubnaha Madasha oo ay ku jiraan ragga ay doonayaan iney kula tartamaan xilka Madaxweyne ee doorashada soo socota, miyaan loo qaadan Karin in aamusnaantoodu ay ka dhigan tahay arrimaha ay madaxda Madashu ku kacayaan aaney kuleyl iyo qaboow midna ku haaynin amaba aaney dhab ka aheyn Musharaxnimadooda, balse ay isbaheysi siyaasadeed kula jiraan Xasan Shiikh Maxamuud, Cumar Cabdirashiid iyo Shariif Xasan taasoo keeni karta in haddii ay ka hadlaan ay ku waayi karaan danaha  siyaasadeed ee ay raggaani ka leeyihiin?
    W/Q: Xassan Maxamud Shiino
    Doorashada Musharixiinta madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleIngiriiska oo ku biiray Dowladaha sharciga la tiigsan doona Musharixiinta Soomaalida ee…
    Next Article Wararkii ugu danbeeyay weerar culus oo kooxda Alshabaab ku qaaday Afgooye

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo