Laba musharax oo ka tirsan Mucaaradka ayaa isugu soo haray tartanka Xilka guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.
Kadib natiijadii wareegga koowaad oo ay ku tartameen 10 mushrax, waxaa wareegga labaad u gudbay 4 musharax, balse waxaa tanaasulay Musharixii ugu cod badnaa Xildhibaan Maxamed-Weli Cabdalla Axmed oo helay 59 cod, wuxuuna wuxuuna codkiisa siiyey Sacdiya Xaaji Yaasiin.
Maxamed-Weli Cabdalla ayaa ahaa xildhibaankii uu madaxweyne Lafta-gareen kusoo saaray kursigii laga xirtay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey.
Sidoo kale waxaa tartanka ka hartay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo heshay 21 cod, waxayna codadkeeda ku taageertay Musharax Maxamed Cali Cumar Caananuug oo labaduba mucaaradka ka tirsanaa kana horjeeday kooxda Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Arrinta yaabka leh ayaa ah in taageerayaasha Farmaajo ay hadda taageerayaan Musharax Sacdiya Xaaji Yasiin oo kaliya ka rabaan inay ka horjeedo Madaxweynha Puntalnd Siciid Deni oo isna ah mushrax u taagan xilka madaxweynaha.
Xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ay olole weyn u galeen kooxda Farmaajo, iyagoo si weyn u doonayey inuu ku guuleysto Fahad Yaasiin, laakiin wax waliba way isbeledeen, waxaana hadda kusoo baxaya mas’uul mucaarad ah, iyadoo xildhibaannimada Fahad ay mugdi ku jirto.
