Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Musharixiin Soomaali ah oo u tartamaya Doorashada Baarlamaanka dalka Sweden? [Warbixin]

    Musharixiin Soomaali ah oo u tartamaya Doorashada Baarlamaanka dalka Sweden? [Warbixin]

    August 30, 2018Updated:August 30, 20185 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ugu yaraan seddex murashax oo Soomaali ah ayaa u tartamaya xildhibaannimada Baarlamaanka Sweden, doorashada dalkaas ka dhici doonta 9 Siteembar 2018.

    Laba ka mid ah waxay ka wada tirsan yihiin xisbiga talada haya ee Social Democrats, waxayna ka ololaynayaan magaalada caasimadda ah ee Stockholm. Tiro ka badan 60,000 oo Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin dalka Sweden, sida ay sheegayso tirokoob la sameeyey 2016.

    Maxamed Nuur iyo Barni Nuur waxay ka mid yihiin Soomaalida dalkaas muddada dheer degganaa, haatanna u taagan xildhibaannada baarlamaanka. Waa markii ugu horraysay ee Soomaali ay baarlamanka u tartanto.

    Waxaa la weydiiyey oo su’aalo isku mid ah weydiisay, xilli ay aad ugu mashquulsanaayeen ololaha doorashada oo gabagabo ku dhow. Codadka ay ku xisaabtamayaan waxay ka doonayaan intooda badan Soomaalida ku nool Sweden ee xaqa u leh inay codeeyaan.

    Maxamed Nuur

    Maxamed Nuur
    Maxamed Nuur

    Wuxuu Sweden deggan yahay 20 sano, siyaasadda wuxuu soo galay muddo 5 sano ku dhow. Degmada uu ku soo koray ayuu xisbiga Social Democrats guddoomiye uga ahaa.

    Muxuu soo qabtay?

    Wuxuu kala shaqeeyey jaaliyadda dhibaatooyin dhacay markii xisbigiisa uu 2014 ku guulaystay xukunka, markaasoo falal amni darro ay ka dheceen xaafadda uu deganaa.

    Wuxuu xisbiga uga dhex dooday sidii dhibaatada loo joojin lahaa.

    Muxuu doonayaa in lagu doorto?

    Wuxuu doonayaa in lagu doorto isagoo ka soo hor jeeda siyaasadda jinsi nacaybka (cunsuriyadda ku dhisan). “Magacayga waa Maxamed. Waxaan ahay qof muslin ah oo madow, anigoo intaas isku wata waxaan doonayaa in aan baarlamaanka galo oo wixii ay wataan aan ka hortagi karo, dadkayga difaaci karo, oo aan qayb ka noqdo go’aannada iyo sharci dejinta” ayuu yiri.

    Wuxuu kaloo intaa ku daray inuu ka shaqaynayo sidii uu wax uga beddeli lahaa muddada ay Soomaalida Baasaboorka ku qaataan “oo hadda 8 sano ah”, oo “sida dadka kale ay 4 sano ku qaataan”.

    Siyaasadda xisbiga ee soo galootiga ka soo horjeedda iyo duruufta dadka muhaajiriinta ah sidee isu waafajinayaa?

    “Wax badan ayaan xisbigayga iyo aniga iska hor nimid. Marka xisbigayga uu xisbi kale ka soo horjeedo, xisbiga ayaan tageersanahay, laakin haddii ay noqoto xisbiga iyo shacabka, waxaa la igu bartay in aan shacabkayga dhex istaago”.

    Shaqooyinka dadka soo galootiga oo la adkeeyey in la siiyo ruqsadda shaqada

    Wuxuu sheegay in afarta sano ee ay xukunka hayaan ay shaqaaleysiiyeen 300,000 oo qof. Wuxuu intaa ku daray in guryo badan ay dhiseen, haddii ay doorashada ku guulaystaanna ay kuwo kale dhisi doonaan.

    Maxay musharraxiinta Soomaalida ah codkooda u midayn waayeen?

    “Waxaan ogsoonahay in gabar ay tartanka ku jirto, siddeed bilood ka hor ayaan bartay, horayna isuma aqoonin, waddan dimoqaraaddi ahna waa ku nool nahay, qof walbana hami ayuu leeyahay, mana dhicin in aan arrintaas isla soo qaadno.

    Muxuu ballan qaadayaa?

    Baasaboorka oo lagu qaato wakhti ka yar kan Soomaalida ay hadda ku qaataan.

    In aan qof Soomaali ah lagu bahdilin waddanka Sweden.

    In qof kasta oo dhallinyaro ah uu guri helo oo cariiri uusan ku noolaan.

    In la iigu codeeyo waxqabadkayga

    Barni Nuur

    Barni Nuur
    Barni Nuur

    Waxay degganayd Sweden muddo ku dhow 33 sano.

    Maxay soo qabatay?

    Siyaasadda kuma jirin, laakin waxay ahayd shaqaale dawladeed muddadii 15ka sano ahayd ee u dambaysay. Waxay xubin ka ahayd guddiga xisbiga ee xaafadda oo ay si mutadawacnimo ah ugu shaqaynaysay.

    Maxay doonaysaa in lagu doorto?

    “Waxaan ka mid nahay dadka ugu badan Afrikaanka iyoMuslimiinta waddankan, laakinse ma haysanno dad na matala oo Baarlamaanka noogu jira.

    Maadaama aan xirfad weyn u leeyahay u adeegga bulshada, waa hawl aan ka bixi karo in aan matalo Soomaalida iyo guud ahaan Afrikaanka ku nool Sweden”.

    Waxay BBC u sheegtay in safaarado ay Sweden ku leedahay Afrika ay ka soo shaqaysay, hawsheedana ay ahayd dhinaca samafalka.

    Siyaasadda xisbiga e soo galootiga ka soo horjeedda iyo duruufta dadka muhaajiriinta ah sidee bay isu waafajinaysaa?

    “Sweden waxay rabtaa in Yurub ay qaadato ‘nidaam mid ah oo xagga dadka magangalyo doonka ah’ oo waddan kasta uusan cayimin inta uu qaadanayo.

    Hadda waxaan ka shaqeeyaa waaxda socdaalka, arrinta socdaalkana waa mid dood weyn ay ka taagan tahay, waayo lama aqoonsana baasaboorka Soomaaliga. Waxaa jira dad sannado dheer waddankan joogay oo la yiri ka baxa maadaama aan la caddayn karin qofka jinsiyadooda” ayey tiri.

    Waxay sheegtay in ay dadkaas wax u qabanayso maadaama ay khibrad u leedahay arimaha socdaalka. Waxay intaa ku dartay in ay ka shaqaynayso sidii Baasaboorka Soomaalida uu aqoonsi uga heli lahaa Sweden.

    “Laakinse haddii uusan joogin baarlamaanka qof arrintaas riixaya, way adag tahay in qof kale uu wax ka qabto”, Soomaalidana waxay u baahan tahay qof matala oo codkooda ku hadla.

    Shaqooyinka dadka soo galootiga oo la adkeeyey in la siiyo ruqsadda shaqada

    “Waxaan ka shaqaynayaa in dadka ay dalka la qabsadaan marka ay soo galaan oo ay shaqooyin helaan ayagoo aan ku daahin muddo dheer in ay cayr qaataan” ayey tiri.

    Waxay sheegtay in Soomaalida ay ka caawinayso sidii ay afka iyo dhaqanka degdeg ugu baran lahaayeen oo nolosha dalka ka jirta ula qabsan lahaayeen.

    Maxay musharraxiinta Soomaalida ah codkooda u midayn waayeen?

    “Ma aanan ogeyn in qof kale oo xisbiga ka tirsan uu Stockholm ka sharraxan yahay, laakin haddii uu qof isa soo sharraxo asaga ayaa is og inuu ka bixi karo, anigana waxaan ahay qof ka bixi kara”.

    Maxay ballan qaadaysaa?

    “Dadkeenna dad matala ayey u baahan yihiin, dad arrimahooda ka hadla ayey u baahan yihiin, waa midaas tan aan qabanayo.

    “Waxaan ahay qofka kaliya ee dumar ah ee magaalo madaxda ka sharraxan. Waayo aragnimada iyo xirfadda aan leeyahay labadaba waxay ii saamaxayaan in aan Soomaalida matali karo oo aan hawshaas ka bixi karo, dhallinyaradana aan u noqon karo qof ay ku daydaan”.

    Barni Nuur Maxamed Nuur Sweden
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamo ka tirsan AMISOM oo lagu Qarxiyey Suuqa Xoolaha & Qof rayid ah oo ay toogasho ku dileen
    Next Article Xildhibaanno ka tirsan Beelaha Digil & Mirifle oo Eedeyntii cusleyd u jeediyey Dowladda Farmaajo [Daawo]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo