Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee Jubbaland ee kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa qaadacay xildhibaannada ay soo xuleen Guddiga Doorashooyinka maamulkaasi.
Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mida musharixiinta isbeddel-doonka ee Jubbaland ayaa sheegay in mowqifkooda cad yahay oo aysan aqoonsaneyn howl kasta oo uu qabto Guddiga Doorashada ee uu sameystay Axmed Madoobe, iyagoo waxba kama jriaan ku tilmaamay 73-ka xildhibaan ee magacyadooda shaaciyeen Guddiga Doorashada.
Musharaxa ayaa sheegay in xildhibaannada la shaaciyey aysan soo xulin Odayaashii Dhaqanka Beelaha ee saxda ahaa, isla markaana qaabka loo soo xulay uu yahay sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Jubbaand, wuxuuna intaas ku daray in liiska laga saaray Odayaasha loogu talo galay inay soo xulaan Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland.
Guddi ay sameeyeen musharixiintan ayaa sheegay inay soo saareen Liis xildhibaanno kale oo barbar socda xildhibaannadii ay xalay shaaciyeen Guddiga Doorashda Jubbaland.