Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Musharixiinta Madaxweynaha ee Beelahooda weydiistay Kursi Xildhibaan (Maxaa ka khaldan?)

    Musharixiinta Madaxweynaha ee Beelahooda weydiistay Kursi Xildhibaan (Maxaa ka khaldan?)

    November 2, 2021Updated:February 9, 20223 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xasan Sheekh ayaa ah xildhibaan joogto ah, markii uu si nabad ah xilka ku wareejiyey laakiin Maxamed Farmaajo ayaa xuquuqdaas ku weyn kara xil kororsiga uu sameeyay iyo qalalaasihii ka dhashay

    Doorashada jiitameysa ee Soomaaliya 2021/2022 waxaa kusoo kordhay arrimo ku cusub Doorashadii dadbanaa ee dalka, iyadoo Doorashadan u muuqato mid ka xiiso yar, kana musuq badan tii ka horeysay.

    Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha qaarkood ayaa dareemay in doorashadan ay tahay mid halis badan, waxayna horeba dadaal ugu faleen inay marka hore xaqiijiyaan sidii ay ku noqon lahaayeen xildhibaan Golaha Shacabka.

    Musharixiinta waaweyn ee tallaabdan ku dhaqaaqay ayaa olole ka dhex sameeyay beelahooda si loo siiyo kursiga xildhibaan ee Golaha shacabka, qaarkood ayaa ku guuleystay, halka qaar kale ay weli dadaal ku jiraan ama rajadoodu aysan kala caddeyn.

    Musharixiinta kurasta xildhibaan xaqiijiyey waxaa ka mida:

    – Xasan Sheekh Maxamuud: Waa xildhibaan joogto ah oo dheeraad ku ah 275-ta Golaha, kadib markii uu xilka si nabad ah ku wareejiyey, xilkaas oo Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku weyn karo muddo kororsigii uu sameeyay iyo qalalaasihii uu dalka geliyey April 2021.

    – Shariif Sheekh Axmed: Madaxweynihii hore iyo musharax madaxweyne wuxuu ahaa musharixii ugu horeeyay ee jufadiisa ka dalbaday inay siiso kursiga xildhibaan, arritnaas oo ahayd mid aad loola yaabay, dadka qaarkiisna ay ku sifeeyeen inay hoos u dhacday rajadiisa xilka Madaxweynaha ayey Beeshiisa siisay kursiga, waxayse shardi uga dhigtay inuu isagu noqdo xildjibaan ee aanu cid kale siin karin.

    – C/raxmaan C/shakuur Warsame: Musharax Madaxweyne Doorashada 2021/22 wuxuu dadaal u galay sidii uu ku noqon lahaa xildhibaan beeshiisa u metala Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana markii hore u suuragashay in la siiyo, balse muddo kadib ayaa rajadaasi uu mugdi soo galay, laakiin wuxuu rajo weyn ka qabaa inuu kursigaasi helo.

    – Shariif Xasan Sheekh Aadan: Waa musharax u taagan xilka madaxweynaha oo beeshiisa ay siisay kursiga Golaha shacabka, kaasoo uu horeba ugu fadhiyey wiilkiisa, waxaana Shariif Xasan uu ka mid yahay Musharixiinta la filayo inuu ka mid noqdo Baarlamaanka cusub.

    – C/qaadir Cosoble Cali: Waa musharax kale oo mar kale u tartamay kursiga xildhibaan ee uu ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad, waxase la filayaa inuu tartan xoog leh wajaho, haddii aan loo xirin, taasoo uu rajo xoog leh ka qabo, beesha uu kasoo jeedana ay diidan tahay.

    Ujeedada Musharixiinta madaxweynaha qaarkood u doonayaan kuraas xildhibaan ayaa kala duwan, qaarkood ujeedkooduba wuxuu ahaa kursi xildhibaan oo rajo badan kama laha xilka ay u sharxan yihiin, qaar kale waa inay marka hore xilkan xaqiijiyaan, halka qaar yar ay doonayaan inay ka dhex ololeeyaan gudaha Baarlamaanka.

    Waxaa jira musharixiin kale oo dadaal ugu jira inay ka mid noqdaan xildhibaannada Baarlamaanka, laakiin anay kala caddeyn inay heli doonaan marka la eego tartanka kuraasta loogu jiro oo ku xiran beesha leh, dhaqaale iyo is-baheysi siyaasadeed.

    Doorashada Doorashada 2020/2021 Golaha Shacabka Musharixiinta madaxweynaha Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaraha Itoobiya: “Ciidamo Ajnabi ah ayaa dagaalka gacan ku siinaya Argagixisada TPLF..”
    Next Article Dadka Caasimadda Addis Ababa oo Hubkooda la diiwan gelinayo si ay dagaal ugu diyaar garoobaan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo