Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Musharixiinta Madaxweynaha ee Xildhibaannada noqday iyo Kuwa ku fashilmay (Akhriso)

    Musharixiinta Madaxweynaha ee Xildhibaannada noqday iyo Kuwa ku fashilmay (Akhriso)

    May 2, 2022Updated:May 3, 20222 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynihii hore, ahna musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay 1 May 2022 noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya, kadib markii la shaaciyey inuu ku guuleystay kursigii Beeshiisa oo hore loo siiyay.

    Su’aalo badan ayaa ka dhashay in Musharax madaxweyne uu doonto kursi xildhibaan, waxayna dadka qaarkood u fasireen inay yar tahay rajada musharaxa raadsaday kursi xildhibaan; Inkastoo siyaasiyiin xildhibaanno kusoo galay ay hore madax u noqdeen sida Xasan Sheekh, haddana markii ugu horey oo madaxweyne hore uu Xildhibaann raadsato.

    Qormadan waxaa ku eegneyaa musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomalaiya ee haddana xildhibaannada noqday, iyo kuwa raadiyey ee kusoo fashilmay.

    Musharixiinta waaweyn ee xildhibaannada noqday ayaa olole ka dhex sameeyay beelahooda si loo siiyo kursiga xildhibaan ee Golaha shacabka, qaarkood ayaa ku guuleystay, halka qaar kale ay ku fashilmeen.

    Musharixiinta xildhibaannada ah waxaa ka mida:

    – Xasan Sheekh Maxamuud: Waa xildhibaan joogto ah oo dheeraad ku ah 275-ta Golaha, kadib markii uu xilka si nabad ah ku wareejiye.

    – Shariif Sheekh Axmed: Madaxweynihii hore iyo musharax madaxweyne wuxuu ahaa musharixii ugu horeeyay ee jufadiisa ka dalbaday inay siiso kursiga xildhibaan, arrintaas oo ahayd mid dadka qaarkiis aad ula yaabeen, isagoo shalay xilkaas gacantaag lagu siiyey.

    – C/raxmaan C/shakuur Warsame: Musharax Madaxweyne Doorashada 2021/22 wuxuu dadaal u galay sidii uu ku noqon lahaa xildhibaan beeshiisa u metala Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxayna beeshiisa ku taageertay kursigaasi, isagoo ka mida musharixiinta xildhibaannada ah.

    – C/qaadir Cosoble Cali: Waa musharax kale oo mar soo helay kursigiisa xildhibaan ee uu ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad, isgoo taageero ka helay Madaxweynaha Hirshabeelle. Wuxuu ka mid yahay Musharixiinta xilka Madaxweynaha marar badan isu sharxay, balse rajadiisa aanay fogeyn.

    – Shariif Xasan Sheekh Aadan: Waa musharax u taagan xilka madaxweynaha oo beeshiisa ay siisay kursiga Golaha shacabka, kaasoo uu horeba ugu fadhiyey wiilkiisa, Shariif Xasan waxa hor istaagay Madaxwenaha K/Galbeed oo ka xirtay kursiga.

    – C/kariin Xuseen Guuleed: Madaxweynihii hore ee Galmudug, kana mida musharixiinta ayaa ku fashilmay inuu helo kursiga xildhibaan ee Beeshiisa, markii uu arrintaas ka hor istaagay Madaxweynaha Galmudug.

    Ujeedada Musharixiinta madaxweynaha qaarkood u doonayaan kuraas xildhibaan ayaa kala duwan, qaarkood ujeedkooduba wuxuu ahaa kursi xildhibaan oo rajo badan kama laha xilka ay u sharxan yihiin, qaar kale waa inay marka hore xilkan xaqiijiyaan, kadibna ay ka dhex ololeeyaan gudaha Baarlamaanka.

    Doorashada Musharixiinta Top Xilka madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSafiir Mareykan ay oo Maxkamad loo soo taagay Lacag uu ku qaatay ka shaqeynta Danaha dalka Qatar
    Next Article Faahfaahin: Weerar culus ee Alshabaab u qabsadeen Saldhigga ATMIS ee CeelBaraf iyo qasaare..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo