Saddex ka mida musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa dalbaday in muddo 21 maalmood ah dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha maamulkaasi si ay u helaan waqti ay ku bartaan xildhibaannada oo ay ku ololeeyaan.
Qoraal ay kasoo saareen magaalada Dhuusamareeb ayey uga hadleen xaaladda ka taagan Magaalada Dhuusamareeb, waxayna sheegeen in weli xayiraad lagu hayo xildhibaannada, isla markaana faragelin ku socoto nidaamka doorashada taasoo haddii ay soo socoto ay ku hanjabeen inaysan noqon doonin markhaati-beenaale.
Qoraalka waxaa soo saaray musharixiinta kala ah: C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale iyo C/llaahi Faarax Weheliye, waxana codsadeen korjoogto ka socota beesha caalamka iyo dhismaha Guddi Doorasho oo kalsooni lagu qabo.
HOOS KA AKHRISO

