Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa farriin cusub kasoo saaray Bannaanbaxa ay ku dhawaaqeen inuu Jimcaha ka dhacayo magaalada Muqdisho.
Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo ah Afhayeenka Middowga musharaxiinta ayaa Hay’adaha Aniga iyo ciidamada u diray farriin ah inaysan Carqaladeyn bannanbaxa, balse ay sugaan Amniga sida Booliska ugu baaqay inay sugaan nabadgelyada mudaaharaadka Jicmaha.
Wuxuu sheegay inaysan suuragal ahayn in musharixiinta wada bannaanbaxa ay iyaga rabashad sameeyaan, wuxuuna taliyeyaayaasha Booliska, Nabadugidda iyo Milateriga ugu baaqay inay sugaan amniga Bannaanbaxa sida ay u sugayeen amniga bannaabaxyada lagu taageeri jiray nidaamkii hore ee Farmaajo.
“Waxaan xusuusinaa Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.. Amarro badan oo Villa Somalia kasoo baxay waxaa lagu waxyeleeyay oo lagu dilay dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan; dilalka gaadmada waa xilligii la joojin lahaa, waa inaan la bixin amarro gaado ah oo dad mas’uuliyiin ah iyo bannaanbaxayaal ah lagu waxyeeleyn.. Wixii rabsho ah meeshaasi ka dhasha mas’uuliyadeeda qaadaya Farmaajo..” ayuu yiri Musharax Daahir Maxamuud Geelle.
