Golaha Midowga Mushariixinta Madaxweynaha ayaa qoraal ay u direen Beesha Caalamka soo jeediyey qorshe cusub oo Doorashada 2021 lagu qaban karo, loogana badbaadi karo dib u dhac iyo qalalaase.
Qoraalkooda ayey musharixiinta ku caddeyaan qorshe afar qodob ka kooban oo xalka u noqon kara is-mari waagga ka taagan Doorashada, iyagoo soo jeediyey:
1- In si degdeg ah looga heshiiyo Doorashada iyo arrimaha hortaagan, lana sameeyo jadwal doorasho oo lagu dhaqmo; waxayna diyaariyeen Liiska xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiyada Doorashada.
2- In Doorashada xildhibaannada iyo Senatoorada kasoo jeeda Somaliland loo daayo Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Odayasha dhaqanka degaankaasi, doorashadaasina lagu qabto Hoolka Xalane oo ay amnigeeda sugaan ciidamada AMISOM.
3- In Doorashada lagu qabto magaalo madaxyada maamul Goboleedyada, halkii laba magaalo laga dhigi lahaa, si looga badbaado dib u dhac kale.
4- In ay shir isugu yimaadaan Madaxda dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada, Bulshada rayidka iyo musharixiinta si loo helo heshiis lagu wajaho xaaladda kala guurka, kadib 8-da Febraayo marka ay dhammaato muddo xileedka Madaxweynaha.


