Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu shacabka Soomaaliyeed ka qanciyoarrinta Ddhalinyarrada tababarka ciidan loogu qaaday dalka Eritrea ee waalidiintood ay raadinayaan.
Afhayeenka Golaha Musharixiinta Ridwaan Xersi Maxamed ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in dhalinyaradda tababarka loo geeyay dalka Eritrea aan la ogen xaalkooda muddo heer, wasiirka warfaafinta xukuumaduna ka jawaabi waayey inay jiraan ciidamo tababar loo geeyay dalka Eritrea.
“Kuma filna in arrintan la siyaasadeeyo… waxaan arkeynaa hooyooyin Soomaaliyeed iyo waalidiin murugeysan oo wiilashooda ka warqabin 8 bilood iyo sanad.. dadkaasu ma maxaabiis baa..?. arrintan waa arrin qaran.. weliba Madaxweynuhu waa inuu si dhab ah uga hadlo oo uu qanciyo umadda Soomaaliyeed..” ayuu yiri Afhayeenka Musharixiinta Madaxweynaha Ridwaan Xersi.
Waxaa hore u soo baxay warar sheegaya in ciidamada tababarka loo geeyay dalka Eritrea laga qeyb geliyey dagaalka Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, arrintaas oo Xukuumadda Soomaaliya ay beenisay.
